{DAAWO SAWIRADA} Ciidamada Afgaanistan iyo Daalibaan oo ku dagaalamaya Gacan ku heynta Magaalada Kunduz

0
78

Ciidamada Milatariga Dowlada Afgaanistan ayaa dagaal culus oo rogaal celis ah waxa ay ku qaadeen Magaalada Kunduz, oo maalin kahor ay la wareegeen Xoogag katirsan Kooxda Daalibaan ee dalkaasi ka dagaalanta.

Dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciiamada Dowlada iyo Kooxda Daalibaan ayaa wali kasocda qeybo badan oo kamid ah Magaalada Kundiz, waxaana Magaaladaasi wali kusii qul qulaya gurmadyo kala gaaraya Daalibaan iyo Ciidamada Dowlada.

Magaalada Kundiz oo ah Magaalada Afaraad ee ugu weyn Dalka Afgaanistan ayaa qeybo badan oo kamid ah waxaa wali gacanta ku haya kana dagaalamaya Dagaalyahanada Daalibaan, waxa ayna Ciidamada Afgaanistan u suurto gashay in qeybo kamid ah Magaalada dib u qabsadaan.

Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka ayaa duqeymo culus ku garaacay saldhigyada ay Kooxda Daalibaan kaga sugan yihiin Magaaada Kunduz, duqeynta ayaana baajisay dagaal ay kooxda ku dooneysay in ay kula wareegto garoonka Diyaaradaha Magaaladaasi.

Kooxda Daalibaan ayaa la wareegtay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada Dowlada lahaayeen, waxa ay sidoo kale la wareegeen gaadiid iyo agabyo kale ay lahaayeen Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Magaaladaasi ka howlgala.

Dowlada Afgaanistan ayaa ku hanjabtay in saacadaha soo aadan ay dib ula wareegi doonaan Magaalada Kunduz , waxaana Magalaadaasi kusii qul qulaya kumanaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Dowada Afgaanistan.






LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here