{DAAWO SAWIRADA} Dad loo xiray dab ka kacay Masjidka ugu weyn Qaarada Yurub ee kuyaala Magaalada London

0
115

Waxaa Maalintii Sabtida ee lasoo dhaafay uu dab xoogan ka kacay Masjidka Baitul Futuh oo kuyaala Magaalada London, waxaana dabka Masjidka ka kacay uu qasaaro kala duwan gaarsiiyay dhismaha Masaajidka iyo goobo kale oo ku dhagnaa.

Ciidamada booliiska Magaalada London ayaa xabsiga dhigay labo qof oo dhalinyaro ah kuwaa oo lagu tuhmayo in iyagu ka dambeeyeen dabka ka kacay dhismaha Masaajidkan kuyaala Koonfurta Magaalada London.

Labadan Dhalinyaro oo da’dooda lagu kala sheegay 16 iyoo 14 ayaa la xiray maalintii shalay oo axad aheed, waxaana ku socda baaritaano la xariira dabka lagu tuhmayo in iyagu ka dambeeyeen iyo cida soo adeejisay.

Dabka ka kacay Dhismaha Masjidka Baitul Futuh ayaa qasaaro kala duwan gaarsiiyay dhismaha Masjidka, waxaana qasaaraha ugu badan uu gaaray Dhismo xafiisyo ku dhagan masaajidka, waxaana daminta dabkaasi ka qeyb qaatay in ka badan 70-dab damis.

Masjidka Baitul Futuh ayaa la rumeesan yahay in uu yahay kan Ugu weyn Qaarada Yurub , waxaana Masjidkan la dhisay sanadii 2003-dii, Masjidkan ayaana ah mid aad loo qurxiyay ayna ku cibaadeestaan Kumanaan Muslimiin ah.





LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here