{DAAWO SAWIRADA} Dadkii ku dhaawacmay qaraxii todobaadkii hore oo loo qaaday Imaaraadka Carabta

0
82

Dadkii ku dhaawacmay qaraxii todobaadkii hore ka dhacay albaabka laga galo Madaxtooyada ayaa maanta loo qaaday dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, si halkaas loogu daaweeyo.

Dhaawacyadan oo ah 12 ruux, kuwaasoo xaaladooda wax looga qaban waayay dalka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku sagootiyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Taliyaha Booliska

Wasiirka Caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed ayaa sheegtay in dhaawacyadan loo qaaday Imaaraadka Carabta ay yihiin kuwii ugu darnaa ee ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay koontaroolka hore ee laga galo Madaxtooyada.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Jen, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa uga mahad celiyay dowladda Imaaraadka Carabta sida ay uga qeyb qaataan caawinta dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay in mar walbana ay kaalintooda muuqato.

Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in dhaawacyadan ay yihiin dad rayid ah, waxaana uu ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada, si ay uga hor-tagaan falalka Al-Shabaab ka geysanayaan Muqdisho.

21-kii bishan ayay aheyd markii Al-Shabaab ay weerar is qarxin ah ku qaadeen koontaroolka ugu horeeya ee Madaxtooyada Villa Somalia.

DSC05828 DSC05848 DSC05850 DSC05891 DSC05898 DSC05957 DSC05981 DSC05987 DSC05913

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here