Daawo Sawirada’’ Kooxda Xiddigaha Geeska oo fankoodii ugu ballaarnaa ka dhigay Muqdisho

0
248

Habeenimadii Xalay waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka ka dhacay Barnaamij Faneed aad u weynaa kaasi oo ay dhigayeen Fanaaniinta kooxda Xiddigaha Geeska ee Somalia oo ay xaruntoodu tahay Magaalada Hargeysa.

Barnaamijkaani oo ahaa mid aad u weyn ayaa waxa uu ka dhacay Hotelka City Palace ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay kasoo qeybgaleen inkabadan 1,000 ruux, halka tiro intaa ku dhowna banaanka sare lagu celshay kadib markii uu buuxsamay Hoolka.

Fannaaniinta sida weyn ugu hagar baxay taageerayaasha ayaa waxaa ka mid ahaa Cabdiraxmaan Oday, Maxamed Bakaal Cirro, Xamdi Cabdi Qu’een, Dayax dal Nuurshe (oo reer Muqdisho ah) iyo waliba fanaanka codka macaan Nimcaan Cabdiraxmaan Hillaac.