{DAAWO SAWIRADA} Maamulka Hiiraan oo Ciidamo farabadan u diyaariyay gobolka Galguduud

0
78
DCIM101MEDIA

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa dhameystiray Ciidamo ka tirsan Militeriga Dowlada oo dhawaan ka howlgali doona gobolka Galguduud.

Ciidamadaani oo aad u farabadan ayaa waxaa la geyn doona deegaano hoostaga gobolka Galguduud oo ay ka sameyn doonaan Howlgalo lagu xaqiijinaayo amaanka Gobolkaasi.

Masuuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan Maamulka ayaa kulan dardaaran ah u jeediyay Ciidamada laga howlgalin doono gobolka Galguduud waxa ayna kula taliyeen in si hufan ay u gutaan waajibaadkooda.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ee Gobolka Hiiraan Kornayl Towane Axmed Gurey ayaa tilmaamay in cidiamadan oo ka tegay Muqdisho loogu tala galay in ay ka howlgalaan deegaannada bariga Gobolka Galguduud, isaga oo intaa ku darray in ay jiri doonto wadda-shaqeyn buuxda oo dhaxmarta saraakiisha ciidanka labada gobol ee Hiiraan iyo Galguduud.

‚ÄúCiidammadan maalmihii ugu danbeeyayba waxaa ay ku sugnaayeen Beledweyne, waxaa ay hadda kusii jeedaan gobolka Galguduud, iyaga oo ka howlgal militari ka sameyn doona deegaannada ay gobolkaa ka maamulaan Al-shabaab,” ayuu yiri Col Towane Axmed.



 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

SAWIR QAADE

XASAN WALI CUMAR
RADIO HIIRAANWEYN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here