{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha oo Tababar u furay 300 askari ka mid noqonaya Ciidamada Booliska

0
307

 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar u furay in ka badan 300 askari oo ka mid noqonaya ciidanka booliska Soomaaliyeed, kaasoo lagu qabtay dugsiga tababarka booliska ee Jenaraal Kaahiye.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Wasiirka Amniga gudaha Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiiru-dowlaha Amniga Mudane Daa’uud Cabdikariin Sheekh Cumar, saraakiil ka tirsan ciidanka booliska iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo tababarka hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in qorshaha talisku uu yahay dib u dhiska ciidanka booliska iyo tababaridooda, si ay u xoojiyaan howlaha ay ugu adeegayaan bulshada.

“Waxaa hoolkan maanta ku kulansan dhibow muddo afar bil ah ku soo jiray tababar, waxaana maanta loo furayaa tababarkooda rasmiga ah oo socon doono muddo sagaal bil, waxaa kaloo halkan ku sugan arday ka soo baxday dugsiyada sare oo aan u qaaday in aan barno qibradaha taraafikada, ilaalinta canshuuraha iyo baarista dambiyada, waxaa kaloo halkan ku sugan labo leyli sargaal oo la diyaarinayo, anagoo la kaashan doono wadamada gacan ka geysan kara, maadaama dugsigan uusan gaarsiisneyn heerka leyli sargaal”ayuu yiri Sareeyo Gaas.

Madaxweynaha oo furay tababarka ayaa ugu horeyn ku booriyay ciidamada inay ka faa’iideystaan tababarka la siinayo, oo ay noqdaan kuwa ugu adeega bulsahda waxyaabaha ay tababarka ku qaateen.

“Dhalinyarada tababarkan u soconayo waa inay ogaadaan fahamka saxda ah ee booliska, kan hurda ee jiifa iyo kan iskuulka u dheel manaya iyo kan kale ee soo jeedaya, intabada adiga dartaada ayay ku joogaan, oo ay ku hurdayaan howsha aad bulshada u haysaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Booliska waxaa laga rabaa inay ku adkeystaan oo aysan ka baqin qofka qawaaniinta jabiya, ha ahaado sargaal dowladeed, Xildhibaan ha ahaado, xafiiska Prime minester-ka haka tirsanado ama Madaxweynaha, inta aad aaminsantahay in qofkan uu u gefay qaanuunka lala tiigsado sharciga, adiga oo aan ku xadgudbeyn hay’adaha kale ee dalka”ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugu dambeyn Madaxweynaha waxaa uu kale kula dar daarmay inay ilaaliyaan sharciga oo ay ogaadaan inaysan jirin cid sharciga ka weyn.

IMG_06091IMG_0671IMG_0668IMG_0666IMG_0650IMG_0633IMG_0604IMG_0595IMG_0566