Dowlada Kenya oo guulo ka sheegatay dagaal ay Shabaab la gashay

0
350
Ciidamada Militariga dalka Kenya ayaa guulo ka sheegtay dagaalo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Gedo kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Alshabaab iyo ciidamada Kenya.

Afhayeenka ciidamada militariga dalka Kenya David Obonyo, ayaa u sheegay saxaafada iney guulo ka gaareen dagaalkii ka dhacay deegaanka Dhamase ee gobolka Gedo, kadib markii ciidamada Alshabaab ay wadada u galeen ciidamada kenya oo wadada marayay.
Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada Al-shabaab ay ka qabsadeen labo qori oo nooca Ak-47 ah iyo taleefoon nooga gacanta ah oo ciidamada Alshabaab ay ka carareen sida uu hadalka u dhigay.
“Ciidamadu waxay weerar ku qaadeen Al-shabaab tiradoodu tahay 20 waxaan ka dilnay 3, halka intii kalena ay carareen waxaan ka helnay goobta 2 qori oo AK 47 ah telefanka gacanta iyo raadiye.” Ayuu yiri Afhayeenka Militeriga dalka Kenya.
Dhanka kale afhayeenka ayaa ka hadlay dagaal kale oo ka dhacay deegaanka Tarako ee Gobolka Gedo isaga oo sheegay in Alshabaab ay ka fashilayeen qaraxa wadada ay ku aaseen.
Sidoo kale afhayeenka ciidamada kenya u hadlay ayaa sheegay in ciidamada ay fashiliyeen weerar kale oo Alshabaab ay damacsanaayeen kaasi oo lala damacsanaa saldhig ciidamada Kenya ay lahaayeen.
Obonyo ayaa ugu dambeyn ayaa sheegay in ku dhawaad 7 askari ay dileen ciidamada Alshabaab weerarada la eegtay ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Kenya.