Duulimaad Diyaaradeed Oo Markii Ugu Horeysay Kabilawday Dagmada Buburte Ee Gobolka Hiran

0
199

Kadib dayactir xoogaan oo aay cidamada amizoom gar ahaan kuwa jabuuti aay dhawaan ka sameyeen garoonka degmada buullo burde ee g/balka hiiraan ayaa marki uguu horeysay waxaa halkaas dulimad tijaabo ah ku tagtay diyarad lagu magacaabo istar.som air oo dhawaan ka mid noqotay shirkaddo dulimaad kuwaas oo ka shaqeeya Gobolka  hiiraan gar ahaan magalada beledweeyne.

rakaabka ayay diyaradu ka qaday magalada Beledweeyne iyaddo la si mariyay degmada buulo burde ee gobalka hiiraan sii tijaabo ahaan ah ma jiriin rakaab laga qaday degmada buulo burde sabaabtuna waxaa weeye iyadoona horay wax dulimad ah uu san uga shaqeen jiriin gudaha degmadaas.

Masuliyinta shirkada istar Som Air oo la hadlay Radio hiiraanweyn ayaa shegeen in aay dhawaan bilaabi donaan dulimaad la xariira degmooyinka buulo burde iyo beledweeyne taasi oo ay ku farxeen shacabka kunool dagmadaas,

Shacabka degmada buulo burde ayaa soo dhaweyay dulimadkan cusub oo aay diyaradan    Istar.Som Air ku tagtay degmada buulo burde taasi ayaa waxaa aay wax badan ka badali karta dhibatooyinki haystay shacabka degmadaas oo la xariray dhibatooyin dhanka nolosha ah madama aaysan degmadaas ka jiriin wax galla iyo wax kaso baxaa oo waxaa godon galshay kooxda Al.shabaab.

Garoonka Diyaradaha Buulaay ayaa waxaa dib u hagaajintiisa iska kaashaday ciidamada AMISOM gaar ahaan Kuwa Jabuuti iyo Shacabka Magaladaas.

Magalada Buulo burte ayaa Waxaa horay u godoomiyay xarakada al shabab oo horay laga saray magaladas

 

jabuuti6