Gudoomiye Goboleedyada Dalka oo lagu wado inay Muqdisho Gaaraan

0
327

Magaalada Muqdisho, waxaa maanta lagu wadaa inay soo gaaraan Gudoomiye Goboleedyada dalka ka jira, iyadoo ay socoto qaban qaabada ku aadan diyaargaroowga Shirka wadatashiga aayaha Siyaasada Somaliya.

Shirka wadatashiga ayaa lagu wadaa 20-ka Bishan inuu ka furmo Magaalada Muqdisho, waxaana lagu lafa guri doonaa shirkaan arimaha ku aadan wadatashiga marxalada looga gudbaayo 2016-ka.
Caasimada Muqdisho, ayaa laga dareemaya qaban qaabada ku aadan shirkaan, iyadoo ammaanka wadada isku xirta Garoonka Muqdisho iyo Madaxtooyada ciidamo la soo dhigay.
Ra’iisul Wasaaraha Somaliya iyo Madaxweynaha dalka ayaa ku dhawaaqay 20-ka Bishan inuu Muqdisho ka furmaayo shirka wadatashiga Hiigsiga 2016-ka.

gudoomiyaasha gobolada