Madaxweynaha Galmudug oo booqanaya Degaanka Godinlabe

0
70

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Kuxigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabeey ayaa maanta booqanaya Degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud,halkaa oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Maamulkaasi islamarkaana ah Furinta hore ee ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Galmudug iyo kuwa Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna.

Madaxweynaha Galmudug ayaa la filayaa inuu Qudbad u jeediyo Ciidamada Maamulka Galmudug ee ku sugan jeeda hore ee Degaanka Godinlabe,waxaana halkaa ku sugan Ciidamo aad u badan.

Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna ayaa waxaa u dhexeeya Xurguf Siyaasadeed,iyadoo Ciidamada Labadaasi Maamul ay ku kala sugan yihiin Degaanada Mareergur iyo Godinlabe oo isku dhaw.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here