Madaxweynaha iyo Ban Ki-moon oo shir guddoominaya shir gaar looga hadlayo arrimaha Soomaaliya

0
87

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa maanta shir guddoominaya shir gaar ah oo ka dhacaya magaalada New York, kaasoo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galaya dowladaha iyo ururada daneeya arrimaha Soomaaliya, iyadoo ujeedkiisa yahay sidii loo qiimeyn lahaa xaaladaha Amniga, siyaasada iyo qorshayaasha lagu gaarayo sanadka 2016.

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa sheegay in kulankan uu yahay mid muhiim ah oo lagu gorfeynayo qaabka loo wajahayo sanadka 2016, maadaama marxalad kala guur la geli doono.

“Shirkan ujeedkiisa wuxuu yahay sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa Xaalada Soomaaliya, gaar ahaan Amniga, Siyaasada iyo qorshayaasha kale ee kala guurka ah, wixii qabsoomay iyo qaabka loo wajahayo sanadka 2016″ayuu yiri Daa’uud Aweys oo la hadlayay Idaacada BBC-da.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Madaxweynaha uu ka qeyb geli doono kulan kale oo looga hadlayo arrimaha ammaanka oo ay yeelanayaan Madaxda wadamada Ciidamada ka jooga Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale magaalada New York kula kulmi doona Ra’iisul Wasaaraha Britain David Cameron iyo Boqorka Jordan Boqor Cabdalla.

Soomaaliya ayaa la filayaa in marxalad kala guur ah ay gasho marka uu bilowdo sanadka 2016, xilligaasoo la qorsheynayo in la soo doorto dowlad cusub oo bedesha dowladda hada jirta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here