Maxkamad amar ku bixisay in Xabsiga laga sii daayo Fanaaniinta Xiddigaha Geeska ee xiran

0
80

Maxkamada Magaalada Hargeysa ayaa amar ku bixisay in xabsiga laga sii daayo afar kamid ah Fanaaniinta Xiddigaha Geeska oo maalintii axada laga xiray Garoonka Diyaaradaha Hargeysa kadib markii ay kasoo laabteen Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha maxkamada Hargeysa Axmed Dalmar Ismaaciil, ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku amray in Xuriyadooda la siiyo lagana sii daayo Xabsiga Afarta Fanaan ee kala ah Nimcaan Hilaac, Cabdi Raxmaan Ceydiid, Maxamed Axmed Bakaal iyo Xamda Queen.

Maxkamada ayaa ku amartay taliyaha qaybta boliiska ee dambi baarista CID iyo taliyaha saldhiga dhexe ee boliiska ee Hargeysa in isla maanta ay xabsiga kasii daayaan afar kamid ah Fanaaniinta Xiddigaha Geeska ee xiran.

Maxkamadu waxay sheegtay boliisku inuu ilaa hadda ku guuldareystay inay maxkamada horkeenaan sabab sharci oo macquul ah oo ay uga baaqsadeen inay ku dalbadaan amar qabasho iyo inay keenaan xogaha dhacdada, sababta xariga iyo cadaymaha la helay oo faah-faahsan.

Warka Qoraalka ee kasoo baxay Maxkamada Magaalada Hargeysa ayaa lagu sheegay in dastuurka Maamulka Somaliland uusan qabin in xuriyada aasaasiga ee muwaadinta lagu xadgudo , waxa ayna Maxkamada sheegtay in inaan qofna xorriyadiisa looga qaadi karin si aan sharciga waafaqsaneyn.

Maxkamadu waxay sheegtay inaanay banaaneyn in qofna la qabto, la baaro, ama la xayiro haddii aanu markaasi denbi faraha kula jirin , ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo xirin garsoore awood u leh.

Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in garsooraha maxkamada gobolka Hargeysa shalay ku diiday boliiska inuu sii hayo maxaabiistan, isagoo u cadeeyay boliiska garsoorhu inaanay maxaabiistani garsoorka u xidhneyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here