Mustaf Dhuxulow oo dhiira gelin u sameeyay dhalinyaro Bandhig Karate ku bandhigay Xeebta Liido {DAAWO SAWIRADA}

0
383

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dhiira gelin u sameeyay dhalinyaro Bandhig ciyaarta Karate-ga ku soo bandhigay Xeebta Liido oo maalin walba oo jimco ah ay u damaashaad tagaan Kumanaan dadweyne.

Bandhigan oo soo jiitay dadka Xeebta u soo damaashaad taga, isla markaana madadaalo ah ayaa waxay dhalinyaradan soo bandhigayaan qaab masraxeed kuwa aflaanta oo kale, iyadoo hab jiliin aad moodo kuwo la mid ah Filimaanta Hindiga ku soo bandhiga Xeebta.

Cismaan Karate oo ah wiil dhalinyaro 20-jir ah ayaa taageero badan ku muteystay ciyaaraha Karate-ga uu ku soo bandhigo xeebta, waxaana koox uu hogaaminayo ay si mutadawacnimo ay bulshada u sameeyaan madadaalo.

Guddoomiyaha degmada C/casiis Cusmaan Muxiyadiin ayaa sheegay in bandhigan Karate-ga ee Xeebta lagu soo bandhigay uu madadaalo u yahay kumanaanka kun ee maalinta jimcaha u soo damaashaad taga Xeebta Liido, isla markaana ka qeyb qaadanayo dhismaha Nabadda, waxaana uu ku ammaanay dhalinyaradan sida ay isugu xilqaameen inay bulshada madadaaliyaan,

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa sheegay in Bandhigan uu qeyb ka yahay dib u soo celinta nabadda dalka, waxaana uu xusay in dhalinyaradan is xilqaantay ee dadweynaha madadaalinaya loo baahan yahay in dhiira gelin loo sameeyo.

“Runtii waa dhalinyaro is xilqaantay shaqooyinka noocaan ee ay soo bandhigaan ee ay dadweynaha ku madadaaliyaan waxay qeyb ka tahay dib u soo celinta Nabadda, waxaa dhiira gelin u sameyneynaa dhalinyaradan, sidii mustaqbalka ay barnaamijyadan ay soo bandhigayaan shaqo abuur uga noqdaan ama ay ku soo bandhigaan Filimaanta gudaha”ayuu yiri Xildhibaan Mustaf Dhuxulow.

Mustaf Dhuxulow ayaa sheegay in dhiira gelinta bandhigan Karate-ga oo kale ay dhalinyarada ka yareyneyso xagjirnimada iyo kuwa Tahriibaya ee naftooda ku biimeynaya Baddaha, waxaana hadii xarumo lagu tababarto Karate ay ka soo bixi doonto shaqo abuur ay helaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in bandhigyadan ay ka faa’ideysan karaan dhalinyaro badan, oo tababaro lagu siin karo, isla markaana ay noqoto Mustaqbalka in Soomaaliya ay ka soo baxaan dhalinyaro Karate-ga si wanaagsan u yaqaan, kuna jili kara aflaanta laga sameeyo kuwa Hollywood ee Mareykanka iyo Aflaanta Hindiga.

Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday barnaamijyo uu ku dhiira gelinayo dhalinyarada oo uu shaqo abuur ugu sameynayay, waxaana horay uu uga qeyb qaatay howlo sama fal ah oo dad danyar ah u sameeyay, waxaana Xildhibaanku isku xilqaamay wax u qabashada dadka bulshada u liita ee caawimaada uga baahan Alle ka sokow shacabka Soomaaliyeed.

DSC09312 DSC09329 DSC09347 DSC09350 DSC09352 DSC09358 DSC09410 DSC09424 DSC09440 DSC09456 DSC09465 DSC09466 DSC09480