Saraakiil ka mid ah Booliiska Jubbaland oo lagu soo tababarayo Wadanka Jabuuti

0
309
25-Saraakiil oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Booliiska Magaalada Kismaayo ayaa Tababar loogu qaaday Dalka Jabuuti, ujeedka Saraakiishaan loo tababarayo ayaa lagu sheegay dardar gelinta howlaha taliska booliiska Kismaayo iyo xoojinta amaanka Magaaladaasi.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Magaalada Kismaayo Kornel Gaboobe Xasan Barre ayaa Warbaahinta ugu warbixiyay waqtiga uu qadanayo tababarkan iyo waxa uu ka bedelayo tababarkaan amaanka Magaalada Kismaayo.

Waxa uu xusay in Maamulka Jubbaland uu ahmiyad gaar ah u leeyahay Saraakiishaan loo tababaro maadaama sida uu tilmaamay iminka ay wadaan Barnaamij lagu xoojinayo amaanka deegaanada ay ka taliyaan Maamulka Jubbland.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay ku dadaalayaan iney buuxiyaan boosaska Saraakiishan inta ay tababarka ku maqan yihin si uusan faraha ugu bixin amniga Magaalada Kismaayo