10 Ka Mid Ah Ciyaartoyda Xulka Qaranka Eritrea Oo Magangalyo Ka Helay Dalka Botswana

0
194

Wararka ka imanaya dalka Botswana sheegaya in dowlada Botswana ay siisay magangalyo siyaasadeed toban ciyaaryahan oo ka tirsan ciyaartoyda xulka kubbada cagta Eritrea kadib markii ay diideen inay dib ugu laabtaan wadankooda.

Ciyaartoydan ayaa kula ciyaartay mid kamid ah tartanka isreebreebka ciyaaraha adduunka ee qaarada Afrika. Qareenka ciyaartoydan Dick Barford ayaa sheegay in uu ku soo  wargeliyay xoghaya arrimaha difaaca,caddaalada iyo amniga Augustine Makgonatsotlhe in la siiyay magangalyo ciyaartoyda.

Laacibiinta xulka kubbada cagta Eritrea ayaa la ciyaaray xulka Botswana 13kii Oktobar waxaana loogaga badiyay 3-1, hase ahaatee waxa ay toban ka mid ah ciyaaryahanada xulka qaranka ay diideen inay dib ugu laabtaan dalkooda waxayna weydiisteen magangalyo dowlada Botswana.

Qaar badan oo ka mid ah ciyaaryahanada kubbada cagta Eritrea ayaa weydiistay magangalyo kadib markii ay wadamada dibadaha ugaga qeybgalaan tartamo.

Lix kamid ah ciyaartoyda Eritrea ayaa weydiistey  magangalyo dowlada Angola sanadkii 2007dii, 12kalana waxa ay ay weydiisteen dalka Kenya 2009 halka 18 ciyaaryahana ay weydiisteen magangalyo dalka Uganda sanadkii 2012kii.

Warbixin uu soo saaray golaha u qaabilsan Qaramada Midoobay xuquuqda aadanaha bishii June ayaa ku eedeeyay dowlada Eritrea in ay xadgudub baahsan ay kula kacdo muwaadiniinteeda.

Arrintan ayaa sababtay in boqolaal kun oo ruux ay ka cararaan dalkooda iyagoo ka raadsaday nolol wadamo kale oo caalamka Qaramada Midoobay.

Dowlada Eritrea ayaa beenisay inay ku xadgudubto xuquuqda aadanaha shacabkeeda, balse waxa ay ku tilmaantay dadka ka qaxaya dalkeeda inay yihiin kuwo dhinac dhaqaalaha uga tagaya dalkooda.