150 ruux Soomaali laga soo tarxiilay Sacuudiga oo maanta soo gaaray Muqdisho

0
195

Diyaarad siday illaa 150 ruux Soomaali laga soo tarxiilay dalka Sacuudi Carabiya ayaa maanta ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Soomaalida la soo tarxiilay ayaa u badnaa caruur iyo haween, kuwaasoo laga dareemayay daal iyo dhibaatooyin kale oo ay kala kulmeen intii ay xabsiyada ku jireen.

Mid ka mid ah dadkii la soo tarxiilay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadka la soo tarxiilay ay gaarayeen 150 ruux, isla markaana in muddo ah ku noolaayeen dalka Sacuudiga.

Sidoo kale dadka qaar ayaa sheegay in guryaha loogu soo galay, isla markaana ay qabteen ciidamada Sacuudiga, waxaana kuwa kale ay sheegeen in iyagoo lugeynayay la qabtay.

Qaar ka mid ah dadkan ayaa wadan wax dhar ama agab, marka laga reebo dharkii ay wateen, waxaana qaarkood ay sheegeen in muddo bil ah ay xabsiga ku jireen.

Dowladda Sacuudiga ayaa soo tarxiisha Soomaalida dalkeeda ku nool ee aan heysan sharciga dalkaas.

TARXIIL