Amaanka Caasimadda Kenya oo manta aad loo Adkeeyay

0
192

Mas’uuliyiinta xukuumada Kenya ayaa sheegay in maanta oo Talaada ah si aad ah loo adkeeyay amaanka caasimada Kenya ee Nairobi iyadoo wadanka looga dabaal dagayo maalinta Geesiyaaasha Kenya,waxana ciidamo badan la dhigay xaafadaha magaalada ay ka kooban tahay iyo xarumaha waa wayn e ganacsiga.

Gudoomiyaha Magaalada Nairobi Njoroge Ndirangu oo shir jaraa’id ah ku qabtay caasimada ayaa sheegay in laamaha amaanka ay ku jiraan xaalad feejignaan oo ku aadan suurta galnimada weerar uga yimaada Xarakada Al-shabaab inta lagu guda jiro xuska geesiyaasha Qaranka Kenya.

Njoroge Ndirangu ayaa hadalkisa waxa uu intaasi sii raaciyay in ay ka baqdin qabaan in dagaalamayaal Al-shabab ay weeraro ay geesan karaan.

Mas’uulkaasi ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadu ay joogaan wadooyinka muhiimka ee Nairobi iyo xaafadaha kale si loo badbaadiyo ayaa la yiri shacabka Rayidka hadii ay dhacaan weerar argagexiso.

Madaxweynaha Kenya ayaa fasaxay dhamaan shaqaalaha xukuumada iyo kuwa caadiga ah waxana wadankaasi uu maanta u dabaal dagaya maalinta geesiyaasha xornimada u soo hoyay Kenya.

Shacabka ayaa lagu wargeliyay in Booliska ay ku wargeliyaan wax waliba oo ay uga shakiyaan argagexisanimo