Arsenal oo hogaanka Primeir League la wareegtay iyo Chelsea oo mar kale la garaacay

0
204

Kooxda Arsenal ayaa si KMG ah kula wareegtay hogaanka Horyaalka Ingiriiska ee Primeir League, ka hor kulanka berri ee Labada Manchester ay food-isku dari doonaan.

Guusha Arsenal ayaa aheyd mid taariikhi ah, iyadoo wali kooxda sii wadata guulaheeda is-daba jooga ee Horyaalka Ingiriiska.

Arsenal oo garoonkeeda Emirates ku soo dhoweysay kooxda Everton ayaa 2-1 ku adkaatay, waxaana goolasha oo ahaa kuwo dhashay qeybtii hore ay ahaayeen goolal madaxa lagu dhaliyay.

Ciyaaryahan Oliveir Giroud ayaa hogaanka u dhiibay, iyadoo daqiiqado kadib goolkaas uu ciyaaryahan Laurent Koscielny uu gool labaad u saariyay Everton, ciyaaryahan Ross Barkely ayaa gool u soo celiyay ka hor inta aysan dhamaan qeybtii hore.

Kooxda Everton ayaa waxaa kaarka cas laga siiyay ciyaaryahan Gareth Barry oo labo jaale ku qaatay ciyaarta, dabadeedna kaarka cas loo sii raaciyay.

Dhinaca kale Kooxda Chelsea ayaa wali ku jirta xilli ciyaareedkeedii xumaa, waxaana 2-1 ku garaacday Kooxda Westham oo soo gashay kaalinta saddexaad.

Westham ayaa waxaa hogaanka u dhiibay daqiiqadii 17aad ee qeybta hore ciyaaryahan Mauro Zarate, waxaase bar bareeyay oo Chelsea nafta ku soo celiyay daafacooda Cahill oo goolka bar baraha u dhaliyay daqiiqadii 56aad.

Ciyaaryahan Nemanja Matic ayaa kaarka cas la siiyay dhamaadkii qeybta hore, waxaana kaarkaas cas ka carooday Tababare Mourinho oo qudhiisa kaarka cas la siiyay Tarabuunkana la saaray.

Andy Carrol oo bedel ku soo galay ciyaarta ayaa Westham goolka hogaanka u dhiibay, waxaana kubad madax aheyd ku dhaliyay gool, daqiiqadii 79aad qeybta labaad ee ciyaarta.

Kooxda Westham ayaa horay u soo garaacday kooxaha Arsenal, Liverpool iyo Manchester City, waxaana sanadkan kooxdu tahay mid aad u wanaagsan.

Arsenal ayaa hogaanka ku qabatay 22 dhibcood, inkastoo kaalinta labaad ay ku jirto Man City, hadana waxaa u harsan kulanka berri ay kala hortagayaan kooxda ay isku magaalada yihiin ee Man United, kaalinta saddexaad waxaa ku jirta kooxda Westham oo 20 dhibcood leh, halka Man United ay leedahay 19 dhibcood

Chelsea ayaa kaalinta 15aad ku jirta, waana xilli ciyaareedkii ugu xumaa ee soo mara kooxda muddo sodon sano ka badan.

Kulamada kale ee la ciyaaray waxay natiijadooda ahaayeen sidan:-

Aston Villa Vs Swansea City 1-2
Leicester City Vs Crystal Palace 1-0
Norwich City Vs West Bromwich Albion 0-1
Stoke City Vs Watford 0-2

2DBB84CD00000578-3287621-image-m-14_14456976487142DBBEF7200000578-3287621-Jose_Mourinho_and_Chelsea_coach_Silvino_Louro_were_also_sent_to_-m-46_14457005636782DBBF37A00000578-3287621-image-m-49_14457006199302DBBFD7800000578-3287621-image-m-53_14457013797212DBC2A4000000578-3287621-image-a-82_14457023115082DBC3B0400000578-3287621-image-m-89_14457027875642DBCE3A500000578-3287773-image-m-132_14457084719892DBCFA4B00000578-3287773-image-a-98_14457079185022DBD166D00000578-3287773-image-a-149_14457089875762DBD038700000578-3287773-image-a-129_14457083826172DBD057700000578-3287773-image-m-126_1445708268198