baarlamaanka Puntland oo sheegay inay la xisaabtan dhab ah la yeelan doonaan xukuumadda madaxweyne gaas

0
183

maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Cabdiweli ayaa lugu wadaa inuu u billowdo la xisaabtan dhab ah,sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.

Guddoomiyaha baarlamanka Puntland,Saciid Xasan Shire, oo ka hadlay furitaanka kalfidhiga 36-aad ee baarlamaanka ayaa sheegay in wax-yaabaha ay ka doodi doonaan ay ka mid yihiin dib u eegista dastuurka Puntland, ansixinta miisaanyidda, arrimaha federaalka iyo qodobo kale.

Waxa kale oo uu sheegay inay la xisaabtan dhab ah la yeelan doonaan golaha fulinta ee uu hoggaamiyo madaxweyne Cabdiweli Gaas.

“Wax-yaabaha inuu billaaban doona,waxaa ka mid ah la xisaabtan dhab ah oo ay baarlamaanka la yeelan doonan,xukuumadda,”ayuu yiri Shire oo khudbadii furitaanka hadalkan ka sheegay.

Waxyaabaha maamulka wali laga sugayo waxaa ka mid ah hir-galinta nidaamka asxaabta badan ee siyaasadda oo u horay u ballan-qaaday madaxweyne Cabdiweli waqtigii dowladdiisa la doortey.

Siyaasiyinta qaar ayaa ku dhaliila baarlamaanka inaysan ku daba-galin dowladdii ballan-qaadyadii hore iyo shaqooyinka loo bahan-yahay in gobolka laga qabto.