Ciidamada AMISOM Oo Ku Guuleysatay Joojinta Dagaalkii Baladweyne Ka Dhacay

0
218

Ciidamada  AMISOM Gaar ahaan Kuwa itoopiya ayaa Ku guleysatay   Galinkii dambe ee Maanta joojinta dagaalkii u dhaxeeyaya  labo Maleeshiyo beeleed oo Maanta ku dagalamay Xaafadda Howlwadaag ee Magaalada Baladweyne.

Ciidamada Itoopiya oo watay calanka AMISOM ayaa Kala Dhaxgalay Labada dhinac ee ku dagalamayay xafada  howlwadaag  waxana ay kala qaadeen labadii maleshiyaad ee dagalamayay   ilaa wabarigii horre ee saake

Odayasha iyo waxgarada Gobolka Hiiraan ayaa wada dadaalo la doonayo in lagu xaliyo colada ka soo cusboonaatay Magaalada Baladweyne islamarkana uu dhaxeysay labo beelood oo wada dega Xafada Howlwadaag  Ee Magalada Baladweyne

8 ruux ayaa kugeriyootay tiro intaa kabadana wey ku dhawacmeen   dagaalkii manta dhaxmaray malaeshiyaadka ku dagalamay  xafada howlwadaag ee magalada baladweyne

Intii u socday dagaalka ayaa waxaa hakad galay ganacsiga xafada iyo isku socodkii dadka iyo gaadiidka

lama oga sida uu xaalka ku danbeyn doono  waloow lakala qaday dhinacyadii dagalamay