Ciidamada Maamulka Galmudug oo Weerar ku ah Degmada Xarardheere

0
197

Ciidamada Maamulka Galmudug ayaa dhaqdhaqaaqyo Ciidan ka wada qeybo ka mid ah Gobolka Mudug oo ay ku doonayaan in ay gacanta ku dhigaan Degmooyin iyo Degaano ka tirsan Mudug oo ay Al-shabaab ku sugan yihiin.

Ciidamada Maamulka ayaa sheegay in Degmada Xarardheere ee Koofurta Gobolka Mudug ay ka saarayaan Xarakada Al-shabaab oo Maamusha.

Sargaal ka tirsan Ciidamada Galmudug oo ku sugan degaanka Camara ayaa sheegay in Deg Deg ay u Qorsheynayaan Qabashada Degmada Xarardheere.

C/kariin Maxamed Maxamuud oo ah Sargaalkaasi u hadlay Ciidanka Galmudug ayaa intaa ku daray in ay u Diyaar Garooben Gacan ku dhigida Degmada Xarardheere ee Koofurta Gobolka Mudug.