Ciidamada Milatariga Somaliya Iyo Al-shabaab Oo Dagaal Ku Dhaxmaray Gobolka Baay

0
188

Dagaal Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac Sababay ayaa maanta Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray Duleedka Degmada Diinsoor Ee Gobolka Baay.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo ka baxay Degmada Diinsoor ay Weerar ku qaadeen Degaano hoostaga Degmadaasi islamarkaana ay Al-shabaab Maamulaan.

Wararka ayaa sheegaya in Dagaalka ay ku dhinteen ugu yaraan 5 Qof oo u badan Dhinacyaduu ku dagaalamay halkaasi.

Sargaal ka tirsan Ciidamada Xoogga oo lagu Magacaabo Xasan Ibraahin Nuur qeybna ka ah Saraakiisha Dagaalka Hogaaminaya ayaa noo sheegay in Degaano dhowr ah ay kala Wareegeen Al-shabaab.

Al-shabaab Wali iyaga wax War ah oo ku aadan Dagaalkaasi kama soo bixi.