Ciidamo lasoo dhoobay wadooyinka iyo Xaafadaha Hargeysa iyo Kacdoon laga cabsi qabo

0
416

Magaalada Hargeysa ee Caasimada Maamulka Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in laga dareemaayo xiisad Siyaasadeed ka dhalatay is casiilada wasiirada ee ilaa iyo hada sii socta.

Ciidamada amaanka maamulka qaarkood ayaa la kala saftay Wasiirada is casilay waxaana laga cabsi qabaa in Ciidamo taabacsan Wasiirada Is casilay ay carqaladeeyan amaanka.

Waxaa sidoo kale cabsi laga qabaa in dadka shacabka ah ay ku dhaqaaqan mudaharaado looga soo horjeedo Xisbiga Kulmiye ee hadda gacanta ku hayo talada maamulka Somaliland.

Cabsi laga qabo arimahaasi is biirsaday ayaa waxaa ay soo dadajisay in Ciidamo farabadan lagu soo daadiyo wadooyinka iyo xaafadaha kuwaasi oo ka hortagaaya carqaladeynta amaanka.

Waxaa sidoo kale socda qorshooyin lagu mamnuucaayo in Wasiirada is casilay ay Hoteelada ku qabtaan shir Jaraa’id oo lagu dhaliilaayo Madaxweyne Siilaanyo iyo Xubnaha ugu sareeya ee Xisbiga Kulmiye.

Ugu danbeyntii Axmed Siilaanyo ayaa wacad ku maray inuu surka uga joogsan doono shaqsigii isku daya inuu ka horyimaado Siyaasada maamulka amaba ku dhiirada inuu carqaladeeyo amaanka.

hargeyso