Ciidanka Naafada Oo Soo Dhaweeyay Hadalkii Kaso Yeeray Taliyaha Ciidanka Milatariga

0
170
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Ciidanka Naafadda ee ku jira Hospitaalka Martiini ee Magaaladda Muqdisho waxaa ay aad u soo dhaween hadalkii Taliyaha Ciidanka Xoogda Dalka Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed Buud, kaas oo ahaa in Ciidanka Naafadda la iska iloobay taasna aysan aheyn wax loo dulqaadan karo.

Afhayeenka Ciidanka Naafadda Cabdi Mahad Cali oo lahadlay Idaacadda Kulmiye ayaa waxaa uu sheegay in tani ay tahay wax lagu farxo isbedelna uu muuqdo.

Waxaa uu sheegay Afhayeenku in Taliyihii hore ee Ciidanka Malatariga uu san waligiis xitaa soo agmarin, oo uu wax yaabo kale ka aaminsanaa.

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Maxamed Aadan Axmed ayaa waxaa la magacaabay xili dhow waxaa uu tilmaamay in Goobtii ugu horeysay oo uu tago ay tahay howga Ciidanka Naafadd ee Hospitaalka Martiini, uuna Madaxda Dalka kala hadlayo sidii ay u heli lahaayeen Xuquuqdooda, isagoo markii uu Ciidanka Naafadda lahadlayey ilmeynayey ayna ka muuqatay sidda uu uga xun yahay xaaladda ay hadda ku jiraan.