{DAAWO SAWIRADA} Amisom oo isbitaal loogu talla-galay hooyada iyo dhallaanka ka furtay Baledweyne

0
211

Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa waxay Magaalada Baledweyne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ay ka hirgeliyen xarun caafimaad oo loogu talla-galay hooyada iyo dhallaanka.

Xaruntan caafimaad, ayaa wuxuu qasdiga loo dhisay yahay in loogu adeeggo baahida, ay qabaan hooyada iyo dhallaanka ee ku dhaqan Magaalada Baledweyne.

Goobtan caafimadeed oo ka kooban adeegga deg degga, qolka dhalmada, qolalka kaydka iyo xafiisyada dhakhaatiirta, ayaa waxaa madax looga dhigay Haweeya Dhisow.

Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Maaliyadda Ee Maamulka Baledweyne, Bashiir Dhoore, ayaa waxaa lagu sharfay in furaha Xarunta uu ku wareejiyo Haweeya Dhisow.

Ssebirumbi Kisinziggo oo ah khabiir la tirsan Xafiiska Siyaasadda Amisom, ayaa wuxuu sheegay in Xarunta caafimaad ay rajeynayan in loogu adeeggo dadka reer Baladweyne.

Dr. Opio Odada oo sidoo kale ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Amisom, ayaa sheegay inay sii wadi doonaan adeegyada ceynkani oo kala ah, kana hirgelinayan Magaalooyinka Somaliya.

War Saxaafadeed ka soo baxay Xarunta Amisom Ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu yiri “Tani waa qayb ka mid ah dadaalada ballaaran ay samaynayan kooxda ka shaqaysa arrimaha bani’aadanimo ee hoos timaada Hawlgalka Midowga Afrika Somaliya.”

Beledweyn Beledweyn1 Beledweyn2 Beledweyn3Beledweyn4Beledweyn5Beledweyn6Beledweyn7