{Daawo sawirada} Axmed Xuseen oo noqday Soomaaligii ugu horeeyay oo Xildhibaan ka noqda Baarlamaanada Reer Galbeedka

0
179
Axmed Dirir Xuseen ayaa wuxuu noqday Soomaaligii ugu horeeyay oo xubin buuxda ka noqda Baarlamaanka Dalka Canada ka dib markii Xisbiga Libralka uu cod aqlabiyad leh ugu guuleystay doorashadii ka dhacday Canada.

Sidoo kale Axmed Dirir Xuseen waxa uu noqonayaa Soomaaligii ugu horeeyay oo Xildhibaan ka noqda Baarlamaanada Wadamada Reer Galbeedka.

Soomaalida degan Magaalada Toronto oo si weyn ugu soo baxay doorashadaasi ayaa waxay intoodu badan ay codkoodu siiyeen Axmed Dirir Xuseen,

Sidoo kale Axmed Dirir Xuseen waxaa codadka siiyay dad Cadaan ah oo ku faraxsanaa Guusha uu gaaray iyo sida uu ugu soo bixi karo howsha u ku guuleystay.

Axmed Dirir Xuseen waxa uu ku dhashay Soomaaliya waxa uuna dalkaasi tagay sanadkii 1993-kii, isagoo ku hadla luqadaha Ingiriisiga iyo Sawaaxiga, isla-markaana wuxuu ka soo shaqeeyay dhinaca arrimaha bulshada, waana nin sharci yaqaan ah.