{DAAWO SAWIRADA} Banaanbax lagu taageerayay Gabar Soomaaliyeed oo ka dhacay Magaalooyin kuyaala Australia

0
166

Banaanbax lagu taageerayay Gabar Soomaaliyeed oo laga celiyay dalka Australia ayaa ka dhacay Magaalooyin kuyaala Dalkaasi, waxa ayna codsanayeen dadka dibad baxa dhigayay in gabadhaasi dib loo soo celiyo.

Magaalooyinka Sydney iyo Melbourne, ayaa lagu qabtay Banaanbax looga soo horjeeday in Dowlada Australia ay dib u celiso gabar Soomaaliyeed oo lagu kufsaday xero dadka magangalyo doonka ah lagu xareeyo oo kutaala Dalka Nauru .

Gabadhan Soomaaliyeed oo lagu kufsaday xerada ay ku jirtay ayaa ka codsaday Dowlada Australia in loo ogolaado in ay dalkaasi timaado si ay isaga soo xaaqdo ilmaha uurkeeda ku jira, gabdhan ayaana dhawaan la geeyay dalka Australia balse dib ayaa looga celiyay iyada oon laga xaaqin ilmaha caloosheeda ku jira.

Qoraal ay soo saartay Gabadhan oo magaceeda lagu koobay Abyan ayey ku sheegtay in loo diiday in ay la kulanto qareenada arinteeda gacanta ku haya sidoo kalana aysan fursad u helin in ay la kulanto dhaqaatiirtii saacadihii ay ku sugneed dalka Australia.

Dadka dhigayay banaanbaxa ayaa watay boorar ay ku qornaayeen hala soo celiyo Abyan iyo hala xero xeryaha kuyaala Jaziiradaha Nauru iyo Manus, waxa ayna wax laga xumaado ku tilmaameen dibada baxayaasha in dalkooda dib looga celiyo gabar dhibane ah.

Banaabaxayaasha ayaa ugu baaqay Ra’iisal Wasaaraha Australia, Malcolm Turnbull , in uu xishooda uuna ogolaado in dalka dib loogu soo celiyo gabadhan la kufsaday ee urka leh, waxa ayna sheegeen dibad baxayaasha in arintan aan marnaba laga aamusi karin.

Sheekada Abyan ayaa noqotay mid si weyn looga hadal hayo Dalka Australia, arintan ayaana dood badan ka dhax dhalisay bulshada Dalkaasi, waxa ayna dadka qaarkood soo jeediyeen in la xiro xeryaha ka baxsan dalka Australia ee la geeyo dadka magangalyo doonka ah.