{DAAWO SAWIRADA} Bannaanbax Balaaran Oo Manta ka dhigay Magaalada Muqdisho

0
196

Wadayaasha ama darawallada Mootada loo yaqaan bajaajta ama seddax lugoodleyda ah ayaa maanta dibadbax ka dhgay waddada Makka Al-mukarrama ee Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska lamabar afar.

Darawallada Bajaajta ayaa sheegay inay arrimo badan ay cabasho ka yihiin inay askar ka tirsan ciidamada dowladda Somalia ay toogasho ku dileen mid ka mid ah dawalada bajaajta mid kalena ay dhaawaceen, falalkaas oo dhacay shalay iyo maanta.

“Bannaanbaxa aan dhigayno waa mid aan kaga cabanayno dil uu askari ciidanka dowladda Somalia ka tirsan uu si bareer ah u dilay shalay darwal ka mid ah kuwa bajaajta Muqdisho, sidoo kalena saakay waxaa la dhaawacay darawal kale,” ayay yiraahdeen qaar ka mid ah darawalladii bajaajta ee dibadbaxa dhigayay.

Sidoo kale, waxay sheegeen inay ka cabanayaan wadooyinka Muqdisho qaar ka mid ah oo loo diiday inay maraan; sida waddada aadda garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho iyo tan madaxtooyada Somalia hormarta.

Mudaaharaadka oo ahaa mid nabadeed ayay dawarallada mooto bajaajtu waxay muddo ka dhigayeen isgoyska KM-5, iyadoo markii dambe ay kala eryeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia oo rasaas ku furay, inkastoo aysan jirin khasaare ay geystay rasaastaas.

Ugu dambeyn, ma ahan markii ugu horreysay oo gaadiidleyda Bajaajta ay qaybo ka mid ah Muqdisho ka dhigaan mudaaharaadyo ay kaga cabanayaan cadaadis ay sheegeen inay ku hayaan ciidamada dowladda hoose ee Muqdisho.

– See more at: http://hiiraan.com/news/2015/Oct/wararka_maanta26-93544.htm#sthash.vfJpM1wQ.dpuf