{DAAWO SAWIRADA} Boliska Somaliya oo loo tababarayo ka hortagida Xadgudubyada Haweynka iyo Caruurta

0
439

Ilaa afartan ka tirsan Saraakil Police Somaliya ayaa manta waxaa u bilaabmay tababar soconaya laba todobaad oo lagu baranaayo xad gudubka kalmada ee ku saleysan jinsiga ilaalinta caruurta iyadoo ujeedku yahay in laga hortago wax walba oo ah xadgudub ka soo horjeeda Haweynka iyo Caruunta.

Tababarka ayaa waxaa lagu qaadanayaa kulyada Poliska ee General Kahiye Police Academy waxaana soo qaban qaabiyay ciidamada polosla Somaliyaad oo taageero ka helaya howlgalka midowga African (AMISOM) tababarka ayaa waxaa furay ku xigeenka taliyaha Poliska Somaliyeed Brig. Gen. Mukhtar Afrah iyo ku xigeenka taliyaha Poliska AMISOM Christine Alalo.

Mid la mid ah tababarkan ayaa waxaa sidoo kale oo diirada lagu saarayo saraakiisha Boliska manta u furmay  poliska Koonfur Galbeed iyo kuwa Gobalka Hiiraan.

Iyadoo ka hadleysay bilowga tababarka Lt. Col. Fadumo Hassan Mohamed, oo madax ka ah Ciidamada Boliska Somaliyeed qeybta Community Policing unit waxaa ay sheegtay in tabarka uu yimid waqti Somaliya ee geedi ku jirto saraakiisha tababarka qaadatana la geyn  doono miiska saraakiisha Jinsiga saldhigyada Boliska eek u yaala Caasimada iyo qeybo kale duwan oo wadanka ah si ay qiimo ugu bixiyaan bulshada dhiban ugana soo warbixiyaan falalka xadgudyada ah iyagoo ka garab shaqeynaya Ciidamada Poliska ee Amisom oo ka howlgali doono saldhigyo Bolis oo kala duwan.

 

“Waxaan halkan u joognaa Tababarka jinsiga kaa oo socon doono mudada 15 maalin ee soo socota. Waxaan baran doonaa sidii aan ku kordhin laheen ka warqabida kufsiga. 40 bolis ee isugu jira lab iyo dhadig ee tababrka ka qeyb galaya waxaa ay ka howlgali doonaa saldhiyo kala duwan howlaha ay qabanayaan waxaa ka mid ah qeybta baaritaanka danbiyada sidaa waxaa yiri,” Lt. Col Fadumo Hassan Mohamed said.

Ku xigeenka Madaxa Poliska Amisom Christine Alalo, ayaa sheegay in tababarkan uu qeyb ka yahay dadaalka balaaran ee AMISOM ku dhiseyso awooda Ciidamada Poliska Somaliyeed si ay u hantaan xadgudubyada ka dhanka ah Haweynka iyo Caruurta.

CIIDANKA BOOLISKA SOMALIYA (2)CIIDANKA BOOLISKA SOMALIYA (3)CIIDANKA BOOLISKA SOMALIYA (4)CIIDANKA BOOLISKA SOMALIYA (5)CIIDANKA BOOLISKA SOMALIYA (6) CIIDANKA BOOLISKA SOMALIYA (7) CIIDANKA BOOLISKA SOMALIYA (8) CIIDANKA BOOLISKA SOMALIYA (9)CIIDANKA BOOLISKA SOMALIYA (10)General muqtaar