{DAAWO SAWIRADA} Booliiska South Africa iyo Ardayda Jaamacadaha Dalkaasi oo gacmaha iskula tagay

0
264

Ardayda dhigata Jaamacadaha kuyaala Dalka South Africa ayaa wali qeybo kamid ah dalkaasi kawada banaanbaxyo rabshada wata ay uga soo horjeedaan lacagaha lagu dhigto Jaamacadaha Dalkaasi oo saro loo qaaday.

Waxaa shalay ardayda Jaamacadaha ay ku hor banaanbaxeen xarunta Baarlamaanka ee kuyaala Cape Town, waxaana intii uu socday banaanbaxa gacmaha iskula tagay ardayda dhigaysay bananabaxa iyo ciidamada booliiska.

Ardayda Jaamacadaha Dalka South Africa ayaa si weyn uga soo horjeeda qorshaha Wasaarada Waxbarashad Dalkaasi ay ku kordhineyso lacagaha laga qaado ardayda dhigata Jaamacadaha iyo dugsiyada Tacliinta sare.

Wasiirka Waxbarashada ee Koonfur Afrika Blade Nzimande, ayaa shaaciyay in la kordhinayo lacagaha lagu dhigto Jaamacadaha dalkaasi, waxaana hadalkaasi iyo qorshaha wasaarada ay dhalisay in ardayda ay Magaalooyinka dalkaasi ka dhigaan banaanbaxyo waa weyn.

Qaar kamid ah Jaamacadaha Dalka South Africa ayaa xirmay tan iyo markii ay bilowdeen banaanbaxyada, waxaana wali laga cabsi qabaa in ay sii baahaan banaanbaxyada hadii aysan Dowladu wax ka qaban cabashada ardayda.