{DAAWO SAWIRADA} Dad kunool Dalka Guatemala oo Mashaqo ay ku habsatay iyo baadi goob loogu jiro dad nool

0
267

Dalka Guatemala qeybo kamid ah waxaa ka da’ay roobab mahiigaan ah oo waxyeelo badan u geestay dad kunool dalkaasi, waxaana roobabka iyo daadadka ay wateen ay ku fataheen deegaano kuyaala duleedka Caasimada Dalkaasi.

Dhoobo iyo dhagxaan is wata oo ay roobab mahiigaan ah ku soo xaaqeen dad deggan duleedka caasimadda dalka Guatemala ayaa waxyeelo xoogan gaarsiiyay dad badan oo halkaasi kunool, waxaana mashaqadani ku dhintay dad kor u dhaafaya 86-qof.

Kooxaha Gurmadka Deg dega ayaa wali ku hoolan baadi goobka boqolaal qof oo la rumeesan yahay in ay ku aasmeen dhoobada iyo dhagxaanta roobka uu keenay, waxaana la helay meydadka dad badan oo ku dhintay mashaqadaasi.

Roobab xoog leh ayaa dhadhaabyo waaweyn iyo dhoobo ku xaaqay guryo badan oo ku yaalay, meel 15 KM bariga ka xigta magaalada Guatemala city, waxaana laga cabsi qabaa in dad badan oo bur burka hoostiisa ku aasmay in ay dhinteen.

Ehelada dadku ay waxyeelo kasoo gaartay roobabkan mahiigaanka ah ayaa safaf dhaa dheer ugu jira goobaha meydadka la dhigo si ay eheladoda uga baadi goobaan, waxayna dhoobada iyo dhagxaanta waxyeelada geesatay soo rogmadeen goor dambe oo habeennimo ahayd oo dadku jiifeen.