{DAAWO SAWIRADA} Dagaalkii Dhawaan Baladweyne Ka dhacay Oo Laga Heshiyay

0
182

Qaar Kamid ah  odayasha dhaqnaka Gobolka Hiiraan  Saraakiisha Ciidamada AMISOM Iyo Somaliya Iyo Ururka Dhalinyarada Gobolka Hiiraan ayaa  ku guuleysatay in   Heeshiin Rasmi ah la dhax dhigo beelihii dhawan ku dagalamay Xaafadda Howlwadaag ee Magaalada Baladweyne.

Kulanka Ka dhacay Magaalad Baladweyne ayaa waxaa ka qeyb galay dhinacyadii dirirta dhaxmartay  iyo qeybaha bulshada ee samaha jecel si ay goob joog uga noqdaan xalka dhinacyadii dagalamy

Goobta Munaasabad ayaa lagu soo bandhiga in hadda wixi ka dambeya uu dhamaday khiilafkii uu dhaxeyay Beelhii dhawan ku dagalamay Xafadda Howlwadaag ee Magaalada Baladweyne islamarkana Xal laga gaaray khilaafkii labada dhinac.

Kulanka ayaa looga dhaawaaqay guddi ka kooban labada Qabiil ee dirirtu dhaxmartay si looga shaqeeyo Nabada. Sido kale waxaa laga soo saray qodob ay ka mid yihiin.

1 In cidii jabisa qodobada lagu heshiiyay in laga qaadi doono Talaabo sharciga waafaqsan.

2 In dib loo furo Goobtihi Ganacsiga ee ku yaalla Xafadda Howlwadaag.

3 In la kala qaado Maleeshiyada labada dhinac.

4 in laga wada shaqeeyo Nabada.

5 in Maalinta bari ah la qabto Bananbax lagu Tageerayo Qodobada lagu heshiiyay.

Heshiisiin kan laga gaaray khilaafkii uu dhexeyay beelihi dhawan ku dagalamay Xaafadda Howlwadaag ee Magaalada Baladwyene ayaa waxaa garwadeen ka ah Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas khaalif iyo Xubno ka Tirsan Golaha odayasha dhaqanka Gobolka Hiiraan kuwaaso u istagay sidii Xal looga gaari laha khilaafka uu dhexeya labada beelood.

 

Hiiraan Xog News (6)

Hiiraanxog

nabadeeeynta  (1) nabadeeeynta  (2) nabadeeeynta  (3) nabadeynta nabadeeynta 1 nabadeynta2