{DAAWO SAWIRADA} Dhacdo Layaableh Geesinimada Nin Falastiini ah oo Toorey ku Eryanaya Askari Yahuudi ah oo Hubeesan

0
424

Waxaa wali rabshado xoogan ay kasocdaan Dhulka ay yahuuda xooga ku heesato ee Reer Falastiin, waxaana maalmihii lasoo dhaafay halkaasi si joogto ah uga dhacayay rabshado iyo iska hor imadayo u dhaxeeyay Dhalinyarada Kacdoonka Wada iyo askarta Yahuuda.

Warbaahinta Caalamka ayaa si weyn u faaqiday Sawirada Nin dhalinyaro Reer Falastiin ah oo geesinimo muujiyay kaa oo toorey uu watay ku eryaday askari Yahuudi ah ugu dambeyna gacanta ku dhigay dhaawacyana ku gaarsiiyay tooreedii uu watay.

Askar kale oo Yahuud ah ayaa usoo gurmaday askariga Tooreyda lagu weeraray laguna dhaawacay, waxa ayna askarta Yahuuda ah markii dambe toogteen ninkii Reer Falastiin ee Geesinimada muujiyay dhaawac xoogana gaarsiiyay askari katirsan Ciidamada Yahuuda Israa’il.

Dhalinyarada Reer Falastin ayaa mudooyinkii dambe weerarada ay ku qaadaan askarta iyo dadka kale ee Yahuuda ah u adeegsanayay tooreeyo, waxaana weerarada tooreyda loo adeegsaday lagu dilay tiro katirsan Dadka Yahuuda iyo askar.