{DAAWO SAWIRADA} Dhaqtar Kenyan Ah Oo Kufsi lo haysto oo Mant Maxkamad lasoo taagay

0
386

Maxkamad kutaala Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya ,waxaa lasoo taagay dhaqtar xarumo Caafimaad oo sharci daro ku lahaa Magaaladaasi, waxaana dhaqtarka loo heestaa in uu geestay kufsi uu kula dhaqaaqay haween badan.

Dhaqtarkan oo lagu Magacaabo James Mugo Ndichu , ayaa Magaalada Nairobi ku lahaa xarumo lagu daweeyo cudurada Haweenka, waxa uuna dhaqtarka Xarumihiisa faraxumeyn iyo kufsi ugu geestay haween badan oo ugu tagay in uu daaweeyo.

Ninkan ayaa sidoo kale loo heestaa in xarumihiisa caafimaad ay ahaayeen kuwa sharci daro ah oo Dowladu la socon, waxa uuna maalintii shalay kasoo muuqday Maxkamad kutaala Magaalada Nairobi oo kiiska dacwadiisa qaadeysay.

Fadeexada dhaqtarkan Kenyanka ah ayaa banaanka timid kadib markii laga duubay Muuqaal qarsoodi ah isaga oo xaruntiisa Caafimaad ku faraxumeenaya haween daaweyn ugu tagay, waxaaan Muuqaalka laga duubay laga sii daayay Telefishinada Dalka Kenya.

Ciidamada booliiska ayaa soo xray dhaqtarkan oo isku dayay in uu baxsado, Bulshada Dalka Kenya ayaa codsaday in dhaqtarkan falalka foosha xun ku dhaqaaqay in cadaalada la horgeeyo lana marsiiyo sharciga.

Maxkamada Kiiska dhaqtarkan gacanta ku heysa ayaa go’aan ka gaari doonto in damiin lagu sii daayo iyo in kale maalinta isniinta ah, waxaana kasoo horjeeda in Dhaqtarkan damiin lagu sii daayo Kooxda dacwad oogayaasha.