{DAAWO SAWIRADA} Dilkii ugu xumaa ee ka dhacay dalka Imaaraadka oo lagu daray Liiska dhacdooyinka aduunka

0
596

Dhacdadaani oo aheyd mid ilaa iyo hadda laga hadal hayo dalka Imaaraadka Carabta, ka dib markii wiil da’diisa lagu qiyaasay 27 jir uu nolosha dhaafiyay Aabihii.

Ciidamada amaanka oo lagu wargaliyay in qoyskaasi ay la’ yihiin aabahood ayaa waxaa baaritaano kadib meydka laga dhex helay hooygooda waxa ayna dilka Aabahaasi usoo qabteen wiil uu isaga dhalay.

Wiilkaasi ayaa dilay aabihii waxa uuna dilka kadib ku dhex riday fuusto kaddibna wuxuu ku shubay Sibir ama Shammiito, wuxuu sidaas u sameeyey ayaa la yiri inaan la arag maydka iyo inuusan soo urin.

Baadi-goob dheer kaddib ciidamada ammaanka ayaa kasoo helay fuusto guriga hortiisa taalla oo aad u culus, maydkii ayaa le keenay xarun caafimaad si loo kala sooco sibirka iyo maydka jirkiisa.