{DAAWO SAWIRADA} Diyaarad ay soo rideen Ciidamada Cirka Turkiga oo lasoo bandhigay

0
197

Dowlada Turkiga ayaa soo bandhigtay Diyaarad ay soo rideen Ciidamada Cirka dalkaasi kadib markii ay Diyaarada ku soo xadgudubtay Hawada Turkiga, walina si dhab ah looma oga cida iska laheed diyaaradaasi.

Warbixin qoraal ah oo ay soo saaren Saraakiisha Taliska Ciidamada Militeriga Turkiga ayaa lagu xaqiijiyay in diyaaradaasi marka hore ay siiyeen digniino markii ay ka jawaabi weysay digniinahaasina ay dhulka soo rideen, kadib markii ay qalqal galisay amaanka dalkaasi.

Militeriga ayaa sheegay in nooca diyaarada ay aheyd mida la hago ee aan cidna wadin, waxa ayna sheegen in Diyaaradaasi lagu soo riday meel 3KM u jirta xuduudda Turkiga iyo Syria.