{DAAWO SAWIRADA} Dowlada Soomaaliya Iyo Maamul Gobaledyada Dalka Oo Heshiis Kala Saxiixday

0
283

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Gobaleedyada kala ah Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, ayaa heshiis ku kala saxiixday kaasoo u jeedkisu ahaa is faham siyaasadeed ku Wajahan in laga wada faa’ideysto kheyraadka dalka.

Wasiirka wasaaradda Batroolka ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in heshiiskaani uu Dhigayo in la soo magacaabo guddi ka kooban Dowlada Federaalka iyo Maamul Goboleedyada kuwaas oo muddo 7 cisho ah gudahooda, ka soo shaqeeyaan qaabkii loo maamuli lahaa, loona maareyn lahaa shidaalka iyo Khayraadka Dalka .

“Heshiiskani ah mid horudhac ah oo la rabo in la gaaro is faham siyaasadeed oo ku aadan qaabkii looga faa’ideysan lahaa Kheyraadka Dalka, Soomaaliya sida darteed Wasaaradeen waxaa ka Go’an in ay hirgelino Heshiiskaas waxaana Tagi doonaa Magaalooyinka ay Maamuladaas si aan u ambaqaadno Heshiiskaas” ayuu yiri Wasiirka oo intaas raaciyey

”Waxaan Dooneynaa in aan Dastuurka hadhow la sameynayo is faham siyaasadeed oo ku saleysan qaabkii lagu wadaagi lahaa kheyraadka si aysan u dhicin Isfamadaro colaad abuurta waxaa uu intaa ku darey

“Maamulada dalka Waxay soo magacaabanayaan dadkii kaga qeyb gali lahaa wada hadalkaan, dowladda dhexe iyo dadkaas ayaa ka wada shaqeyn doona is faham buuxa oo la gaaro, wax walba oo kheyraadka Khuseeyo waxay noqonayaan in laga wada hadlo, sidee laga yeelaa heshiisyadii hore, sidee laga yeelaa kheyraadka aan wada wadaageyno, waxaana ka mid ahaa Qododbadii lagu heshiiyey.