{DAAWO SAWIRADA} EPL: Arsenal oo guul raaxo leh ka gaartay Watford xili uu shabaqa soo taabtay Sanchez

0
445

Kooxda Arsenal ayaa guul muhiim ah ka gaartay caawa kooxda Watford oo ay marti u ahaayeen kadib markii ay ugu awood sheegteen 3-0 kulan ka tirsanaa horyaalka ingiriiska.

Arsenal ayaa ciyaarta ku bilaabatay si aan fiicnayn iyaga oo awoodi waayay inay xitaa hal kubadd isku aadiyaan bilowgii ciyaarta taas oo fursad siiyay kooxda Watford.

Watford ayaa heshay fursado badan iyada oo goolhaye Petr Cech uu kubaddo halis ahaa ka badbaadiyay shabaqiisa, qaybtii hore ayaana ku soo idlaatay 0-0.

Qaybtii dambe ciyaartoyda kooxda Arsenal ayaa ku soo galay si dardar leh maadama ay doonayeen inay guul gaaraan waxay ku abuureen goolka Watford fursado badan.

62 daqiiqo Sanchez ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa kadib markii uu dhamaystiray kubadda uu ka helay Ozil oo dhulka ku sii dhacaya wuxuuna ka dhigay ciyaarta 1-0.

Sanchez Watford

68 daqiiqo Giroud oo kaliya ciyaarta ku jiray 5-daqiiqo ayaa hogaanka u sii dheereeyay Arsenal kadib markii uu shabaqa dhex dhigay kubadd uu ka helay Ozil wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-0.

Giroud Watford

74 daqiiqo Ramsey ayaa quusiyay kooxda Watford kadib markii uu shabaqa ku hubsaday kubadd uu sifiican uga soo shaqeeyay Bellerin wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-0.

Ramsey

Waa guushii 3-aad oo xiriir ah oo kooxda Arsenal ay ka gaarto horyaalka ingiriiska xiliciyaareed kaan, waxayna ku jiraan booska 2-aad ee kala saraynta horyaalka.