{DAAWO SAWIRADA} Ganacsatada Soomaaliyeed Ee Ku Nool Dalka K/Afrika Ayaa Kasoo Kabanaya Khasaarihii Kasoo Gaaray Boobkii Sanadkan

0
533
Degaanka Soweto Ee Magalada Johannesburg Oo Ah Degaanka Obasiiba Ah Oo Malaayiin Qof Ay Ku noolyihiin ayaa bartahamhii sanadkan waxa ka dhacay rabashada xoogan oo ajaanibta lala beegsaday rabshadahaasi oo dhaliyay khasraaro nafeed iyo mid hantiyadeed oo soo gaaray dadka ajaanibta ah ee ganacasiyada kala duwan ku leh degaankaasi,
In Kabadan 300 Oo dukaan ayaa lagu boobay rabashadihii dhacay bartamahii sanadkan oo 80 kamid ah ay ganacsato soomaali laheyd hasa ahaate ganacsada soomaaliyeed iyo kuwa ajaanibta ayaa haatan u muuqda kuwa kaso kabtay khasarahii kaso gaaray weeraradii ajaanib naceybka ahaa ,
Galinkii danbe ee shalay ayaa waxa ii suuragashay in aan booqdo degaanka Soweto waxay indhaheyga qabanayeen dukaama badan oo albaabada ay u furanyihiin oo dhax gal ah dhamantood marka kalaga reebo tiro yar oo al baabada ay u xiranyihiin balse dadka laga caawinaya shabaq yar oo daaqad lo sameeyay taasi oo ii galisay dareen ah in wali ay jirto cabsi ay ganacsatada ka qabaan weerar uga yimaada kooxo burcad ah oo dhac u geeysta goobahooda,
Qaar kamid ah ganacsatada soomaaliyeed ee degaanka soweto ku nool oo aan la shekeeystay ayaa waxay ii shegeen in xaalkooda uu xiligan yahay mid dagan islamarkaane ganacsigooda uu u kala socda balse mararka qaar ay weerara kala kulmaan burcad dhac u geeysta kuwa oo mararka qaar toogta cidii ka hortimada oo u diida in ay ganacsigooda galaan,
“Xilida Habeenkii Dukaamaha Albaabada Ayaan U Laabna Daaqad Yar Oo Shabaq Ah Ayaan Ka Caawinaa Dadka customerka no ah ee xaafada dagan sababto ah waxa habeenkii wareega kooxo burcad oo hubeeysay oo dukaamaha dhaca sidaas darteed anago ilaalineyna hantideena iyo nafteena ayaan go,ansay in aan fiidkiiba albaabka kore xirno ilaa sadaxda saac ayaan caawina dadka kadibne wan xirna oo qol aan jiifana ayaa dukaanka noogu dhax yaala “Sidaasi waxa ii sheegay mid kamid ah shaqaale dukaan oo aan kula kulmay degaanka sowto kaasi oo lagu magacabo bishaar hassan .
Intii aan dhax wareegayay degaanka sowto waxan arkayay dhalanyara wadooyinka hareer fadhiya kuwa oo marka ay ku arkaanba farta kugu fiiqaya kuugana yeeraya My friend” Ama erey afkooda ah oo ah “amakhulu” Tin jileec” waxaana markiiba ku galaya dareen cabsi leh
Si kastaba Koonfur afrika oo ay kumanaan soomaali ah ku nool ayaa intooda badan waxay ka xamashaan oo ganacsiyo yar yar ay ku leeyihiin degaana isku raran ah oo marka aad eegto halistooda leh madama aysan xarumo police ku oolin qaarkoodna ay yihiin degaana hal erid laga galo waxaana soomaalida ay yihiin kuwa dareen ku joog ah oo mar walba wajaha dilal, dhac, boob ilaa haatane dowlada ma aysan qaadin talaaba looga hortagi kara dhibaatoyinkan sii soconaya ee aan dhamaadka laheyn.
GANACSATADA SOUTH AFRICA EE SOMALIDA
 GANACSIGA SOMALIDA SOUTH AFRICA  HIRANWEYN.COM (1) GANACSIGA SOMALIDA SOUTH AFRICA  HIRANWEYN.COM (2) GANACSIGA SOMALIDA SOUTH AFRICA  HIRANWEYN.COM (3) GANACSIGA SOMALIDA SOUTH AFRICA  HIRANWEYN.COM (4) GANACSIGA SOMALIDA SOUTH AFRICA  HIRANWEYN.COM (6) GANACSIGA SOMALIDA SOUTH AFRICA  HIRANWEYN.COM (7) GANACSIGA SOMALIDA SOUTH AFRICA  HIRANWEYN.COM (11) GANACSIGA SOMALIDA SOUTH AFRICA  HIRANWEYN.COM (12) GANACSIGA SOMALIDA SOUTH AFRICA  HIRANWEYN.COM (13) GANACSIGA SOMALIDA SOUTH AFRICA  HIRANWEYN.COM (14)
Omar Kiyow
Hiiraanweyn
Johannesburg