{DAAWO SAWIRADA} Haweeney lagu tilmaamay Quruxleyda Argagaxisada oo si weyn looga raadinayo Dalka..

0
187

Ciidamada booliiska Dalka Turkiga ayaa baadi goob xoogan ugu jira gabar 20-sano jir ah oo lagu magacaabo Walentina Slobodjanuk, gabadhan ayaana la tilmamaay in ay xubin ka tahay Kooxda Islaamiga ah ee Daacish.

Gabadhan iyo xubno kale oo katirsan Kooxda Daacish oo kasoo gudbay xadka dalka Siiriya ayaa si weyn looga baadi goobayaa qeybo kamid ah Dalka Turkiga, xubnahan ayaana la sheegay in ay qorsheenayaan in ay weeraro argagaxiso ka fuliyaan gudaha Dalka Turkiga.

Walentina Slobodjanuk, ku dhalatay dalka Kazakhstan, ayaa lagu tilmaamay quruxleyda Argagaxisada ah, waxaana booliisku shacabka ku wargaliyeen in ay gacan ka siiyaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa gabadhan iyo xubno kale , waxa ayna Shacabka uga digeen in aysan ku qaldamin saameyna ku yeelan quruxda gabadhan.

Magaalada Ankara ee Caasimada Dalka Turkiga ayaa dhawaan waxaa ka dhacay Weerar is qarxin ah, waxaana weerarkaasi ku dhintay dad kor u dhaafaya 100-qof, waxaana Turkiga ka jirta cabsi kale oo ku aadan in ay mar kale dhacaan Weeraro ismiidaamin ah.