{DAAWO SAWIRADA} Hogaamiye sare oo katirsanaa Kooxda Al-Qaacida oo lagu dilay dagaal ka dhacay Alepo

0
360

Hogaamiye sare oo katirsanaa Kooxda Al-Nusra ee xariirka la leh Al-Qaacida ayaa saakay lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay Magaalada Aleppo ee Dalka Siiriya, halkaas oo malamihii lasoo dhaafay ay kasocdeen dagaalo culus.

Dagaal culus oo saakay ka dhacay Magaalada Aleppo ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay hogaamiye sare oo katirsanaa Kooxda Al-Nusra oo lagu magacaabo Sheikh Abu Sulaiman al-Masri, ninkan ayaaan kamid ahaa hogaanka sare ee kooxdaasi.

Hogaamiyahan la dilay ayaa magaciisa rasmiga ah lagu sheegay Mahmud Maghwari, waxa uuna kasoo jeeda Dalka Masar, ninkan oo horey ugu dagaalamay kooxda Xamaas ayaa Dowlada Masar waxa ay ku riday xukun dil ah waxa uuna markii dambe u baxsaday Dalka Siiriya.

Kooxda Al-Nusra ayaa gacanta ku heysa qeybo kamid ah Dalka Siiriya, waxa ayna kooxdan hoostagtaa uurka Al-Qaacida, Kooxdan ayaan maalmihii lasoo dhaafay dagaal adag kula jirtay Ciidamada Dowlada iyo maleeshiyada ka dhinac dagaalamayay.