{DAAWO SAWIRADA} Hooyo tii ugu arxanka darneyd dunida oo Canugeeda daqiiqado un dhalan kusoo riday Bac wadadana soo dhigtay

0
224

Waa dhacdo argagax galisay shucuubta caalamka kadib markii Canug yar la helay isaga oo ay ku taallo xudunta laguna soo riday Bacmadow kadibna lasoo dhigay wado geeskeeda.

Muuqaalkaani ayaa argagax ku abuuray dad aad u farabadan oo iyagu dareen ka muujiyay qaabka Hooyada dhashay canugaasi ay ula dhaqantay iyo sida uu ka mudnaa oo aanu helin.

Dadka u gurmaday Canugaasi yar ayaa dareensanaa in Canuga yar ay dhashay Hooyo kasoo jeeda dalka Philippines oo dareenkii hooyo nimo qabin.

Canugaani yar ayaa markii danbe gurmad ka helay rag iyo dumar oo halkaasi ka qaaday islamarkaana la gaaray goobaha Caafimaadka.