{DAAWO SAWIRADA} John Kerry oo kulan Xasaasi ah la yeeshay Madaxweynaha Falastiin

0
207

Xoghayaha Arimaha Dibada Dowlada Mareykanka John Kerry , oo booqasho ku jooga bariga dhaxe ayaa kulan xasaasi ah waxa uu dalka Jordan kula qaatay Madaxweynaha Dowlada Falastiin Maxamuud Cabbaas .

Labada Masuul ayaa kulankooda waxa ay uga hadleen arimo muhiim ah ay ugu horeyso sidii loo soo afjari lahaa rabashadaha ka soo cusboonaaday deegaannada ay xooga ku heesato Yahuuda ee kuyaala dhulka Falastiin.

Xoghayaha Arimaha Dibada Dowlada Mareykanka, ayaa rajo fiican ka muujiyay in xal laga gaaro rabshadaha kasoo cusboonaaday dhulka ay Yahuuda xooga ku heesato, waxa uuna ugu baaqay dhinacayada rabshadaha u dhaxeyso in xaalada la dajiyo.

Wadahadallada dhexmaray Maxamuud Cabbaas iyo John Kerry ayaa imaanaya labo maalin kaddib markii uu John Kerry uu ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu kula kulmay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka isagoo kala hadlay rabashadaha bariga dhexe ka soo cusboonaaday.

Dhulka Yahuuda xooga ku heesato ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka taagnaa rabshado xoogan, waxaana rabshadahaasi ku dhintay in ka badan 40-falastiiniyiin ah oo u badnaa dhalinyaro , halka Yahuuda laga dilay in ka badan 7-qof.