{DAAWO SAWIRADA} Kulan Loga Hadlaayay Dhismaha Garoonka Diyaradaha Ugaas Khaliif Oo Baladweyne Lagu Qabtay

0
205

Kulanka loga hadlayay dhismaha goroonka diyaradaha  Ugaas khaliif Erapoorti ee Magalada Baladweyne  ayaa Waxaa Ka qeyb Galay Ugaas Cabdi Raxmaan Ugaas Khaliif Iyo qeybaha Kala Duwan Ee Bulshada

 

Dadkii Ka soqeyb Galay Kulan ayaa siweyn uga hadlay dhibatada haysato garoonka diyaradaha  iy sida wax loga qabankaro  waxana la isku raacay in labilaabo qeymeyn lagu sameynaayo  qarasha ku baxaa dhismaha garoonka .

 

Maxamed Cabdulaahi buraale Gudoomiyaha Dhalin yarada Gobolka hiiraan oo kulanka kaqeyb galay yaa ku dheraaday kahadka dhismaha garoonka waxana u ku booriyay hadii dadka iskashadaan  in ay wax qabsan karaan  o ay ka maarmi karaan gacan kale ,

Qaar Kamid ah Hawenkii kulanka kaqeyb galay ayaa amanay talabada lagu dhisayo garoonka diyaradaha baladweyne waxana ay balan qaadeen in ay diyaar u yihiin in ay kaqeyb qataan dhismaha garoonka iyo Wax kasto oo lagu horumarina Gobolka hiiraan .

Ugaas cabdiraxmaan Ugaas khaliif oo kulanka ka hadlay ayaa shegay in lo bahan yahay in wax laga qabto dhibaatooyinka garoonka fatahadaha magalada  iyo Burburka wadooyinka baladweyne waxana  uu shegay hadii la iskaashado  in wax badan laga qaban karo dhamaan dhibatooyinka ka jiro Gobolka Hiiraan,

Ugaas Cabdi Raxmaan ayaa so jeediyay in laga wada qeyb qaato dhismaha garoonka Ugaas khaliif waxana baaq u jeediyay dhamaan cidkasto oo gacan ka geysaneyso  garoonka in ay kaqeyb qataan

Gabagabadii Kulanka ayaa  Lasameyay Gudi ka kooban 19 xubnood oo uu madax u yahay Ugaas Cabdi Raxmaan Ugaas Khaliif   oo ka shaqeyn doono diyaarinta  dhamaan howlaha lobahan yahay  sida kulan Balaran oo ay ka so qeyb galan dhamaan Hayadaha AMISOM Maamulka Gobolka Hiiraan Ganacsato Iyo Qeybaha Bulshada Gobolka hiiraan

Shirarka Loga hadlaa dhismaha Garoonka Diyaradaha Ugas khaliif ayaa Mudooyinkii danbe waxaa ay ka socdeen Magaaloyinka muqdisho iyo Baladweyne  waxana shirarkaas la isku racay in la dhiso garoonka diyaradaha Ugaas khaliif

kulan oga hadlaa (2) kulan oga hadlaa (3) kulan oga hadlaa (4) kulan oga hadlaa (5) kulan oga hadlaa (6) kulan oga hadlaa (7) kulan oga hadlaa (8) kulan oga hadlaa (9) kulan oga hadlaa (10)