{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Dalka Shiinaha Xi Jinping iyo Marwadiisa oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada London

0
172

Waxaa Magaalada London ee Caasimada Dalka Ingiriiska gaaray si diiran loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha Dalka Shiinaha Xi Jinping iyo Marwadiisa, waxaa sidoo kale safarka ku wehliya xubno sare oo kamid ah Dowlada Dalkaasi.

Madaxweynaha Dalka Shiinaha Xi Jinping , ayaa dalka Ingiriiska uga bilaabatay booqasho afar maalin ah uu halkaasi ku joogo, waxa uuna inta uu dalkaasi joogo kulamo xasaasi ah la qaadan doonaa Madaxda Dalkaasi iyo Boqortooyada UK.

Xi Jinping , ayaa Khudbad u jeedin doona Baarlamaanka Britain, waxa uu sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa Ra’izul Wasaare David Cameron iyo hogaamiyaha xisbiga shaqaalaha Jeremy Corbyn.

Waa safarkii ugu horeeyay oo Hogaamiye Shiinees ah uu ku tago Dalka Ingiriiska mudo 10-sano ah, waxa ayna tani muujineysa xariirka u dhaxeeya Dalka Shiinaha iyo Britain in uu soo hagaagayo ayna isku soo dhawanayaan labada wadan.