{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Dalka Siiriya oo Booqasho lama filaan ah ku tagay Dalka Ruushka

0
207

Madaxweynaha Dalka Siiriya ayaa booqasho lama filaan ah waxa uu ku tagay Magaalada Moskow ee Caasimada Dalka Ruushka, waxa uuna halkaasi kulan xasaaasi ah kula qaatay ,Madaxweynaha Ruushka iyo Masuuliyiin kale.

Kulanka ay wada qaateen Madaxweynaha Siiriya iyo Kan Ruushka ayaa diirada lagu saaray dagaalka kasocda qeybo badan oo kamid ah Dalka Siiriya, waxa ayna labada masuul isku raaceyn in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha kasoo horjeeda Dowlada Siiriya.

Madaxweyne Bashaar Al-Asad ayaa uga mahad celiyay dhigiisa Ruuhka Vladimir Putin, gacanta uu ka geesanayo dagaalka ay ciidamada Dowlada Siiriya kala horjeedaan kooxaha mucaaradka iyo kuwa Islaamiyiint ah.

Vladimir Putin, ayaana sheegay in Dowladiisa kaliya aysan u arag xalka Dalka Siiriya in lagu xalin karo faragalin milatri balse muhiim tahay in siyaabo kale xal lagu raadiyo si colaada dalkaasi ka aloosan u joogsato.

Dowlada Ruushka ayaa taageero weyn u muujisay Madaxweynaha lagu dhagan yahay ee Siiriya, waxaana Diyaaradaha iyo Maraakiibta Dagaalka Ruushka ay qeyb weyn ka qaadanayaan duqeymaha lala eeganayo xoogaga kasoo horjeeda Dowlada Siiriya.

Madaxweynaha Siiriya ayaan muuqaalkiisa la arag mudo aad u dheer, waxa uuna noqonaya safarka uu ku tagay Dalka Ruushka mid lama filaan ah, iyadoona Warbaahinta caalamka ay safarkan siyaabo kala duwan uga hadleen.