{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Somalia iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray India si diirana loogu soo dhaweeyay

0
185

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada New Delhi ee Caasimada Dalka Hindia.

Xubnaha wafdiga uu horkacayo madaxweynaha Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya mudane C/Salaan Hadliye Cumar iyo Xubno kale , ayaa garoonka diyaaradaha New Delhi waxaa kusoo dhaweeyay masluuliyiinta dalkan Hindia iyo danjiraha Soomaaliya u jooga magaalada Delhi.

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo Dalka Hindia kaga qeybgalaya shir u dhaxeeya dalka India iyo wadamada Afrika kasoo looga hadlayo iskaashiga ay India la leedahay dalalkaasi.

Shirkan oo ay tahay markii sadexaad ee la qabto heerkiisa ayaa ayaa waxa uu furmi doonaa 29ka October oo berito ah, Somaliya waxa ay u tahay fursad weyn iyadoo dowladda Soomaaliya iyo wadanka Hindia ay si gaar ah uga hadli doonaan sidii kheyraadka,iyo korontada la isaga kaashan lahaa sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar.

Sidoo kale madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa inta ay dalka Hindia joogaan kulamo la qaadan doona Ra,isulwasaaraha dalkan India iyo madaxda wadamada Afrika ee shirka ka qeybgalaya.






 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Maxamed cabdi Ceynte

Radio Hiranweyn India