{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Gaas oo u dhoofay Dalka Kenya kana haday Ujeedka Socdaalkiisa

0
266

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo , waxaana ay ku sii jeedan dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi ee caasimadda dalkaasi.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Dalka Kenya uu u aadayo sidii uu uga soo qeyb-geli lahaa shirar muhiim ah , intooda badan looga hadlayo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dalka.

‘’ Deeq bixiyayaasha iyo hey’addaha caalamiga ah ayaanu shir kula leenahay magaalada Nairobi, waxaana rajeyn in shirarkaasi ku soo dhammaadaan si guul ah ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed u rajeeyey guul, horumar iyo amaan , isagoona shacabka reer Puntland kula dardaarmay inay xoojistaan amnigooda kana faa’iideystaan horumarka baaxadda leh ee guud ahaan Puntland ka soconaya.