{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Booqday Jaamacada Umada

0
363

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday xarunta Jaamacadda Umadda oo uu u kuur galayay sida ay u socoto waxbarashada jaamacada iyo aradad dhigata oo uu madaxweynuhu mudanaan gaar ah uu siiyo horumarinta Waxbarashada.

Madaxweynaha waxa wehliyay xubno ka tirsan Dowladda sida Wasiirka Waxbarashada hidaha iyo tacliinta Sare ee Xukuumada Soomaaliya  Guddoomiyaha Jaamacadda Umadda Prof Maxamad Axmed Jimcaale, iyo mas’uuliyiin kale, waxaana uu madaxweynuhu aad ugu riyaaqay sida ay u socoto howsha Jaamacadda Umadda oo dib loo furay goor sii horeysay.

Madaxweynaha Dowlada  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu booqday qeybaha kale duwan ee jaamacada ay ka koobantahay, isagoo dhageystay macalimiinta sida casharada ay u bixinayeen, waxaana uu ku dhiira galiyay macalimiinta in ay kordhiyaan dadaalkooda.

Madaxweynaha ayaa waxa uu warbixin ka dhageystay ardayda jaamacada dhigata oo uu ka wareystay waxbarashadooda isagoo ku dhiira galiyay in ay ku dadaalaan waxbarashada si heer ay uga gaaraan, kuwaasi oo u riyaaqay talada Madaxweynahooda.

Ugu dambeyn madaxweynaha waxaa uu warbixin uu ka dhageystay Guddoomiyaha Jaamacadda Umadda Maxamad Axmed Jimcaale oo ku saabsan shaqada Jaamacada,marxaladooyinkii ay soo martay, iyo qorshayaasha jaamacada ee xiligaani.

IB0A5269 IB0A5258 IB0A5191 IB0A5161 IB0A5099 IB0A5004 IB0A4972 IB0A4895 IB0A4893 IB0A4892 IB0A4794 IB0A4758 IB0A4754 IB0A4752 IB0A4736 IB0A4676 IB0A4674 IB0A4659 IB0A4658 IB0A4586 IB0A4581 IB0A4579 IB0A4578