Daawo Sawirada” Maxkamada Ciidamada Jubba oo xukuno kala duwan ku riday askar xad-gudub lagu helay

0
186

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Maamulka Jubaland ayaa xukuno kala duwan ku riday Ciidamo ka tirsanaa Maamulka.

Ciidamada xukunada lagu riday ayaa la sheegayaa inay iibsadeen qoryihii ay ku difaacayeen shacabka kasoo jeeda deegaanadaasi.

Xukunada ay maxkamada riday ayaa u dhexeeya 5 sano ilaa 1 sano, waxa uuna xukunkaasi ku dhacay qaar kamid ahaa Ciidamada Militeriga.

Dadka la xakumay ayaa waxaa sidoo kale la sheegay inay kamid ahaayen dadkii Askartaasi qoriga ka iibsanaayay oo xiligaasi ay gacanta ku dhigeen ciidamada Maamulka.

Gudoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubaland Bashiir Max’uud Xareed ayaa ku dhawaaqay xukunka ay maxkamaddu ku riday askarta iyo weliba eedeysaneyaasha kale.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubaland ayaa mudooyinkii u danbeeyay waday xukunno kala duwan oo ay ku rideeysay askar ku eedeysan danbiyo kala duwan.